Waa Su’aal-siyaasadeedka ugu muhiimsan ee xilligan lagu maskax daali karo, waxayna Siyaasiyiinta iyo Bulshada kale is-weydiinayaan waxa uu noqon karo Maxsuulka Doorashadda Madaxtinimadda iyo Ambaqaadka Hawlaha Xilliga Kala-guurka ee la guda-galayo.
Sooyaalka Xil-wareejinta Dowlad-ka-Dowlad ayaana weli heerkii la rabay taagnayn, wuxuuna Mas’uul kasta (Madaxweyne, Wasiir, Xildhibaan ilaa Sarkaal Milliteri iyo mid Rayid) caqabad ku noqdaa marka loo sheego ama la gaaro Xilliga Xilka laga wareejinayo.
Waana dhaqan-maamuleed u gaar ah Madaxda Soomaalida ee la doorto inuu Mas’uul kasta ee la magacaabo meel sadxiga ah ka soo bilaabo Hawshii socotay, marna lagama sariigto in si xeeladaysan loo kala boobo Hantida Guud ee Qaranka iyo dhamaan Inkaaniyaadkii lagu maarayn lahaa Hawlaha Qaranka ilaa Xafiisyadda.
Xil-wareejin kasta kuma dhacdo si daah-furnaan iyo Isla-xisaabtan ah, waxaana taasi daliil u ah inaysan jirin Diiwaan Guud oo la xiriira Hantida Qaranka ee Madaxda xilka ka degayso ku wareejiyaan Madaxda la doorto.
Musuqa ka jira Somalia waxa uu saamayn ku yeeshay irrid kasta iyo Xafiis kasta oo magac Dowlad loogu hawl-galo, waana markhaati ma-doonto inuu Mas’uul kasta ku xisaabtamo musuqa muddada uu Xilka hayo iyo inaan hambo ku reebin Hantida Qaranka.
Burburkii Dowladnimo ayaana sii adkaanayo sannadba sannadka xiga iyo Madaxweyne-ka-Madaxweyne kale, waxaana taasi ugu wacan inaysan jirin Carbis Waddanimo, Daacadnimo iyo Dhaqan Hawleed Hufan.
Waxaa kaloo indho-xirnaansho aan garowshiyo lahayn laga dhigtay in marka Madaxweyne, Xildhibaan iyo Wasiir la soo dooranayo shuruudo mudnaanta asaasiga noqotay looga dhigo Kharajka Is-diiwaan gelinta Xilkaasi iyo wax la halmaala Maaliyad musuqmaasaqaysan.
Sharci-dejiyayaasha Barlamaanka waxay aad uga meermeerayaan inay Mas’uul kasta oo Xil Qaran loo dooranayo la yeeshaan Wareysi wax looga weydiinayo caddaymaha Hantida Shaqsiyadeed ee Guurtadda iyo Ma-guurtadda ee uu haysto, ka hor inta aanan Xilka Qaran loo dooranin.
Diiwaan-gelinta Hantida ay Mas’uuliyiinta Qaranka horey u haysteen waxay horseedi kartaa Isla-xisaabtan iyo Dabagal lagu ogaanayo sida ay ku soo gashay Hantida cusub ee uu macaashay muddada uu Xilka Dowladeed hayey.
Waa Qoddob darruuri u ah in Diiwaan-gelinta HJantida Madaxda ka hor xilka iyo kadiba laga dhigo Sharci-hoosaad muhiim ah, kuna sidkan Dastuurka KMG ee Qaranka, si ay u fududeyso in Madaxdeenna cusub lagu gardaadiyo Sifaha Dowlad-Wanaagga iyo in lagu baraarijiyo ka-hortagga Anshax-xumidda Musuqa wejiyadda badan leh.
Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ayaa laga sugayaa inay la yimaadaan Aragri cusub oo ku aadan Dhaqan-toosinta Maamulka Madaxda la dooranayo iyo in bud-dhig loo sameeyo Nidaamka Dowladnimo, Diiwaan-gelinta Hantida Madaxda iyo Mas’uul kasta lala xisaabtamo ka hor inta aan Xil loo dhiibin iyo marka uu Xilku ka degayo.
Waa hubaal inay Xildhibaanadda ku baraarugsanayn Qoddobadaasi amainay u arkaan inay Madaxda Hanti-dhowrka Qaranka iyo Hay’addaha Garsoorka kaga fara dhuuban yahay Hawlahaasi, maadaama iyaga loo idmaday Awoodaha Isla-xisaabtankaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan, Doorashadda kadib, Sidee lagu heli karaa Dowlad Daah-furan iyo Madaxweyne Hufan?