Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Ra’iisul Rooble ayaa horrey guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha guddiga maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.