Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dignin u dirtay Jaamacadaha gobolada dalka ee aan weli la xiriirin Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu yiri “Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare inay hadaba la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021”
Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan”.