Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Mursal iyo Guddoomiyihii hore ee G/Shacabka Jawaari?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan qado sharaf ah oo uu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Aadan Madoobe iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo masuuliyiinta kale ayaa iska xog wareystay xaalada guud ee dalka.
Waxaana si gaar ah ay uga wada hadleen arrimaha ka taagan dalka ee ku aaddan xaaladda doorashooyinka diyaar garowga loogu jiro, waxaana kulan kani imaanayaa iyadoo dhawaan Muqdosjo lagu saxiixay heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana shirkaasi yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir, waxaana xusid mudan in heshiiskaasi ay soo dhaweyeen saamilayda siyaasadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor