Maxkamad ku taalla magaalladda Frankfurt ee dalka Jarmalka waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali haysta dhalshadda Jarmalka, kaasi oo lagu soo oogay inuu ka soo barbar dagaalamay Alshabaab.
Wargeyska Expatica ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Ninkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abshir A, ayaa la sheegay inuu sannadkii 2012-kii u soo socdaalay Somalia, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab.
Maxkamaddu waxay kaloo sheegtay in Eedeysanaha oo 29-jir ah  uu 4 bilood tababar la qaatay Alshabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.
Waxaana Eedeysanaha lagu xiray Jarmalka isla markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Frankfurt bishii July ee sannadkii hore.
Dhinaca kale, Maxkmamadda Frankfurt oo ku taalla Galbeedka Jarmalka, waxay Eedeysanaha Abshir A, ku xukuntay xabsi dhan 2 sanno iyo 10-bilood.
Xigasho: Â Expatica.com