Meydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland laga soo dejiyay Muqdisho

Diyaarad sida meydka Alle ha u Naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud wasiirkii ayaa saaka ka degtay Muqdisho halkaas oo ay diyaarad kale ka soo qaadayso meydka, malinta berri ah ayaa lagu wadaa in Kismaayo aas Qaran loogu sameeyo marxuumka.

Gudiggga qaban qaabada Aaska Wasiirka ee dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku jira dadaalkii lagu samayn lahaa Aaska Wasiirka iyadoo ay diyaariyeen dhammaan waxyaabahii muhiimka u ahaa howshan.

Madax Soomaaliya xilal kala duwan hore uga soo qabatay, Siyaasiyiinta iyo iyo odayaal dhaqameed ayaa lagu wadaa in ay soo racaan diyaaradda sida meydka kuwaas oo aaska ka qeyb galaya.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wakhti iyo dadaal badan ku bixisay sidii Maydka Wasiirka loo keeni lahaa Dalka iyadoo Xaalada adag ay adduunka oo dhan ka jirto oo dhinac socdaalka ah taas oo uu sababay Xanuunka Corona Virus oo dhibaato badan ku haaya dunida.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media