Taliska Booliska Galmudug oo beeniyay hadal kasoo yeeray Taliye Is Casilay

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb laga sii daayey Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media