Garoore British ah oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalkaasi  ayaa amray in laga saaro Iimaamkaasi qalab Elektoronik “Electronic Tag†oo ay Hay’addaha Ammaanka horey ugu xireen lugtiisa.
Garsooraha waxa uu tilmaamay inuu qalabkaasi ka hor imaanayo Xuquuqda Aadanaha, isla markaana uu Eedeysanaha maskaxi ahaan xanuunsanayo.
Garyaqaanadda Eedeysanahaasi ku nool gudaha dalka Britain ayaa ku guuleystay dacwadaasi, kadib, markii qalabka ku xiran looga shakiyey inay tahay Bambo.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu soo koobay DD ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay inuu taageerooyin muhiim u diray Alshabaab,waxayna Hay’addaha Ammaanka ee Britain weli u aqoonsan yihiin inuu weli khatar yahay, isla markaana uu dagaalyahanno u qoro Alshabaab.
Hay’adda Ammaanka ee Britain ayaa sheegay inay ka fursan waayeen inay Eedeysanaha ku rakbaan qalabka Elektoroonik si loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.
Dhinaca kale, Garyaqaanadda Xoghayaha Arrimaha gudaha ee dalka Britain, Theresa May ayaa u sheegay Maxkamadda inay weli hayaan caddaymo muujinaya in Eedeysanaha Soomaaliga dhowr sanno Alshabaab u diri jirey taageero muhiim ah, isla markaana uu dhallinyarro uga qori jirey.
Waaxda Arrimaha Gudaha ee Britain waxay sheegeen haddii laga furo qalabkaasi inay suurtogal tahay inuu Eedeysanaha dib ugu laabto hawlaha uu ugu adeegayo Alshabaab.
Garsooraha ayaa ka digay haddii Eedeysanaha ay ku sii xirnaadaan qalabkaasi inay naftiisa halis galayso, isla markaana laga yaabo in ay ciiddanka Hay’adda Sirdoonka Britain ee MI 5 toogtaan, kana shakiyaan inuu bambo ku rakibay lugtiisa.
© Warqabadka Dalsan Radio