Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo lagu qabtay Xeebaha Masar

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Tahriibayaal ay tiradooda dhamayd 47 qof, kuwaasi oo doonayey inay si sharci-darro ah ugu socdaalaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Wargeyska Yoom sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha shalay lagu qabtay xilli ay doonayeen inay dooni ka raacaan Xeebta Degmadda Buxerya ee Gobalka Delta.

Tahriibayaasha la qabtay ayaa lagu kala sheegay 12 Masaari ah, 13 Eritrean, 12 Sudanese, 6 Somali iyo 4 Ethiopian.

Tahriibayaasha waxay Boliska u sheegeen in ay saddex nin oo Masaari kula heshiiyeen inay u tahriibiyaan Xeebaha Talyaaniga, iyadoo Thariibe kasta uu bixiyey lacag dhan saddex kun oo Dollar.

Dhinaca kale, 121 Tahriibayaal ay ku jireen Somali ayaa Khamiistii la so odhaafay lagu qabtay xuduudka uu dalka Masar la wadaago dalka Libya, kuwaasi oo doonayey inay u gudbaan dalka Libya.

In ka badan saddex kun oo Tahriibayaal ah ayaa waxay bishiiba Xuduudka Masar uga gudbaan dalka Libya, si ay uga raacaan doonyaha ku sii jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor