kalluumeysato Ajaanib ah oo lagu maxkamadeeyay Galmudug

Maxkamada Gobolka Mudug ayaa ganaax mid 700 boqol oo doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xeebaha udhaxeeya Magaalooyinka Xare-dheere iyo Hobyo,

Sidoo kale waxaa lagala wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen waxaana ay kasoo jeedaan dalka Yemen .

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux hase ahaatee sideed ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Ciidamada Amniga xeebaha ayaa sedex cesho ka hor ku dhigay gacanta kadib Howl-galo isdaba joog ah oo ay kawadeen xeebaha Galmudug gaar ahaa Degmada Hobyo iyo deegannada ku dhaw dhaw.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor