Dowladda Ingiriiska oo war kasoo saartay shirka u socda Madaxda Dowlad Goboleedyada

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay wadahadalada u socda Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

Safiirka Ingiriiska  fadhisa Soomaaliya Kate Foster ayaa soodhaweyay wada hadalada u dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana ay ku boorisay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in ay sii wadaan wada hadalka iyada oo laga duulaayo heshiiskii 17 September.

Shirka u socda Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso doorashada dalka ka dhacaysa, taasi oo khilaaf xooggani ka taagan yahay, waxaana Beesha Caalamka ayaa waddaa dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaran khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor