Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku diray Askari dilay Odey da’ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku diray Askari Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey ahaa oo halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Soomaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuurte ayaa ku dhawaaqay xukunka Dilka toogashada ah ee lagu diray Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.

Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunka dilka toogashada ee lagu riday Eedeysane Nuur Daahir uu racfaan uga furan yahay cidii aan xukunka dilka ku qanacsaneyn.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir,

Si kastaba Nuur Daahir ayaa 16-kii June Sanadkan waxaa uu Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamar-Jajab uu dilay Nin Odey ahaa, isagoo u dilay xabad sigaar ah oo ka iibsanayay, waxaana inta uusan Askariga goobta ka baxsan, falka kadib gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media