DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdalla Qaasim ee Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana la sheegayaa in lala eegtay gaari wadada marayay, In kastoo aan weli la xaqiijin.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska  Dowladda Federaalka ayaa si deg deg ah goobta ku gaaray, isla markaana aaga xiray, iyagoo sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxaas.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media