Maxkamad ku taalla magaalladda Mandera ee W/bari ee Kenya ayaa la soo taagay 2 Haween Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Xaliima Aadan Xasan iyo Kheyrta Ibraahim Cali.
Haweenkaasi waxaa lagu soo oogay inay gabar yar oo 10-jir ah ka soo tahriibiyeen Somalia dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee May iyo inay doonayeen inay gabadhaasi si been abuur ah ugu kaxeeyaan magaalladda Nairobi.
Haweenkaasi ayaa la sheegay inay qirteen Dembigii lagu soo oogay.
Xaliima Aadan Xasan ayaa la sheegay inay gabadha yar ka dhoofin lahayd Garoonka Mandera bishii May 29-da, si ay u geyso magaalladda Nairobi.
Garsooraha Maxkamadda Mandera waxa uu Labadaas Haweeney ku kala xukumay min 30-sanno oo Xabsi ah ama inay bixiyaan min 30 million oo Shillinka Kenya.
Dhinaca kale, Haweenkaasi waxay haystaan 2 isbuuc oo ay Rafcaan kaga qaadan karaan Xukunkaasi.