Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya waxaa la soo taagay 119 Burcad-baddeed Soomaali ah, kuwaasi oo tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2011-kii ku xirnaa Xabsiyadda dalkaasi.
Eedeysanayaasha waxay si wadajir u qirteen Dacwada lagu soo oogay, iyadoo Dhegeysiga Dacwadooda socotay tan iyo sannadkii 2012-kii.
Ilaa 70 Markhaatiyayaal ayaa la sheegay inay ku xaqiijiyeen inay Eedeysanayaasha u geysteen Afduub.
Ku-dhawaad 50 ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa loo diiwaan-geliyey Fal-dembiyeedyo dil ah, kuwaasi oo muteysan kara Xabsi Dil ah.
Wargeyska Times of India oo aan warkan ka soo xiganay ayaa qoray inay Safaaradda Somalia raadinayso Fasax ay ku dalbanayso mas’uuliyadda inaysan Eedeysanayaasha Soomaaliyeed ku ridin Xukunadda lagu xukumay.
Dacwad-oogaha Khaaska, Ranjeet Sangle ayaa sheegay inuu isbuuca dambe buuxin doono Gal-dacwadeed ku aadan Kiiska Eedeysanayaasha Soomaalida.
Sannadkii la soo dhaafay, mid ka mid ah Eedeysanayaasha Soomaalida ee lagu eedeynayo Burcad-baddeeda oo lagu magacaabi jirey Cabdi Jaamac oo 28-jir ahaa ayaa cuddurka Qaaxadda ugu geeriyooday Isbitaalka JJ Hospital ee dalka Hindiya.
Ilaaladda Xeebahaa iyo Ciiddanka Badda Hinddiya waxay in ka badan 120 Burcad-baddeeds Soomaali ah ugu wareejiyeen Boliska The Yellow Gate Police.
Eedeysanayaasha dhamaantooda waxaa Buugga Dacwadda loo geliyey Isku-day Dil.
©Radio Dalsan