Hantidhawraha Guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye†ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André iyaga oo ka wada hadlay dadaallada socda ee lagu adkaynayo hannaanka dowlad wanaagga dalka.
Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Safiirka iskaashiga istaraatiijiga ah ee qotodadheer kaasi oo ka dhexeeya labada dal.