QM waxay shalay magacowday Ergayga Gaarka ugu horreeyey ee loo xil-saaray Arrimaha Qaxootiga ku sugan gudaha Kenya.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi ayaa lagu sheegay in Ambassador Mohamed Abdi Afeey loo magacaabay Xilkaasi, isla markaana uu taageero ka geysan doonodadaalka lagu doonayo sidii xal loogu heli lahaa Qaxootiga Soomaalida iyo Magangelyo-doonka Heer Qaran iyo Heer Gobal.
Ergayga Gaarka ee UNHCR ugu qaabilsan Qaxootiga Soomaalida ku sugan gudaha Kenya waxa kale oo uu kordhin doonaa Wada-xaajood lagula jiro Dowladaha daneeya Dadka Magangelyo-doonka, Somalia iyo Beseha Caalamka sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee Magangelyo-doonka ah.
“Ergayga Gaarka waxa kale oo Talo ka bixin ddoonaan sida ugu wanaagsan ee walaaca ka taagan Badbaadinta Qaxootiga iyo inuu caddeeyo Xalka ku haboon arrintaasi.
Qoraalka Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi waxaa kaloo lagu sheegay in Ambassaor Mohamed Abdi Afey oo haatan ah Ergayga Gaarka ee IGAD ee Somalia uu xilka cusub hayn doonaa muddo 6 bilood oo keliya.
Magacaabistiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Hay’adda Human Rights Watch ee u dooda Xuquuqda Aadanaha dhawaan cambaaraysay Barnaamijka Dowladda Kenya ee dib loogu celinayo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.
Qaxootiga Soomaalida waxay UNHCR u sheegeen inay qofkii la siiyo Lacagta dib-u-noqashadda oo dhan 450 Dollaar qofkiiba lagala qaado, haddii uu diido inuu k ulaabto Somalia.
Dhinaca kale, Xog-kaydiyaha QM ayaa sheegay inay hataan Hal million oo Qaxooti Soomaali ah ku sugan yihiin Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla dalalka Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Yemen, halka ay 1.1 million oo kalena ku barakaceen gudaha Somalia.
©Radio Dalsan