Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Goor dhow waxaa uu si rasmi ah uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo Madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.
Shirkaan ayaa waxaa shir guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la tilmaamay inuu ku bilowday Jawi degan, sida aan wararka ku helnay.
Madaxda maamulada Jubbaland Axmed Madoobe Puntland Saciid Deni, Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka.
Shirkan oo ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.