Ilaa 26 Maxbuus oo da’doodu ka hooseyso 15 jir ayaa la filayaa inay Maamulka Puntland inay ku soo wareejiyaan QM, si Dhaqan-celin loogu sameeyo Xarun ku taalla magaalladda Muqdisho.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan in ay QM iyo Maamulka Puntland ku heshiiyeen arrintaasi, waxayna Puntland sheegeen in Maxaabiistaasi ka mid yihiin ilaa 200 Dagaalyahan oo bishii Maarso lagu qabtay Weerarkii ay Alshabaabka ku qaadeen Degmadda Gara-cad iyo Togga Suuj.
Maxkamaddaha Puntland waxay Maxaabiista lagu qabtay dagaalladaasi ku soo oogeen Falal Argagixiso, waxayna ku kala xukumeen Dil Toogasho iyo Xabsi daa’im.
©Radio Dalsan