Wargeyska The Standard ee ka so obaxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Dagaalamyaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab saqdii dhexe ee xalay weerar ka geysteen Xaafadda Buulo Bobliko ee ka tirsan magaalladda Mandera, halkaasi oo lagu dilay 6 qof oo ka mid ah dadka aan u dhalanin Deegaankaasi.
Boliska Kenya ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab 2-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay weerareen dhismo ay degganaayeen 33 Shaqaale ka soo jeeda Goballadda kale ee Kenya, halkaasina lagu dilay 6 qof, iyadoo mid kalena si xun loo dhaawacay.
Boliska waxay sheegteen inay soo badbaadiyeen 25 kale,lana la’ yahay 2 kale.
Guddoomiyaha Mandera, Cali Rooba waxa uu bartiisa Tweeterka ku cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay Mandera, wuxuuna bogaadiyey dadkii la soo badbaadiyey.
Dhinaca kale, dadka lagu dilay weerarkaasi ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Shaqaalaha ka xoogsada Kaawooyinka Dhagaxa ee ku yaalla duleedka magaalladda Mandera.
©Radio Dalsan