Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ka qabsoomay Shir heer Wasiir ah oo dhexmaray Maamulka Puntland iyo Beesha Caalamka, kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Puntland Daa’uud Maxamed Cumar.
Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta, Iyadoo Wafdigu la wadaagay Beesha caalamka Buuga qorshaha Maamulka,
Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa oo ka hadlay shirka maanta ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sheegay in shirkaasi uu kusoo dhammaaday Jawi wanaagsan.
Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee Shirka ka qeybgalay waxaa mid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland , Netherlands iyo SSF. Dhinaca Puntland waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasiirka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.