Sawirro:-Guddoomiye Yariisow”Waxaan dadaal ugu jirnaa in bulshada ay soo doortaan goleyaasha degmooyinka”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka Gobolka Benaadir u soo dooranayaan goleyaasha degmooyinka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada goleyaasha degmooyinka ay kala kaashanayaan khubarada Soomaaliyeed iyo xarumaha cilmi baarista heer caalami, si looga mira dhaliyo hiigsiga ku aaddan dimuqraadiyad horumarsan oo ka tarjumeysa go’aanka dhabta ah ee shacabka Gobolka.

“Dadaalladeenu waxa ay ku qotomaan sidii aan u hirgelin lahayn in bulshada Gobolka Benaadir ay soo doortaan goleyaasha degmooyinkooda, arrinkan oo xoojinaya wada shaqeeynta shacabka iyo Maamulka Degmooyinka, dardar gelinaayana horumarka aynu ku tallaabsaneyno.” Ayuu yiri Eng.Yarisow.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta Shacabka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

Khubarada Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika ee soo garay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin in aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka ay la wadaagaan Bulshada Gobolka Benaadir, iyagoona ku bogaadiyey Maamulka Gobolku sida ay uga go’antahay hirgelinta golyaasha degmooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media