Wararka ka imanaya gobolka Gardafuu ee bariga Puntland ayaa sheegaya in hub lagala degey markab xamuul ah oo sida la sheegay kusoo jeeday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wararku waxaa ay sheegayan in Markabku uu ku cilladoobay xeebta magaalada Bareeda, waxaana sida la sheegay lagala degay hub saarnaa Markabka, oo sida la sheegay uu saarnaa hub aan ilaa iyo hadda la shaacin cidda loo waday iyo halka laga keenay.
Saraakiisha Booliiska ee deegaanka ayaa sheegey in markii ay arkeen markabka ay cid u direen, balse raggii loo diray ay hub kala dageen, haatanna ay ku raadjoogaan hubkaasi iyo raggii la degay.
Wararka qaar ayaa sheegayay in la afduubtay Markabka oo uu gacanta u galay kooxo Burcad ah, balse Saraakiishu waxay beeniyeen in markabkaasi aan la afduubtay.
Marka laga tago in markabku uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho saraakiisha Ciidanku wali ma shaacin cidda uu sida gaarka ah ugu rarnaa ama iska leh Markabkaas la sheegay in hub lagala degay.