Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose ku dileen sida ay sheegen saaraakiisha Ciidanka dowladda dagaalamayaal iyo xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Taliska ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa (SONNA) u sheegay in la dilay Taliye sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo sida ay sheegeen bartilmaameedka howlgalkaasi u isaga ahaa.
Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen dagaalamayaal Al-shabaab ah, kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose.
Dhawaan ayaa howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen degmada Kuntuwaarey waxaa ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan waa sida ay sheegteene, sidoo kale waxaa ay siidaayeen dad shacab ah oo alshabaab maxaabiis ahaan ay u hayeen.