Wararka ka imanaya gobolka Gardafuu ee bariga Puntland ayaa sheegaya in Burcad-badeed Soomaali ah ay afduubten Markab xamuul ah oo sida la sheegay kusoo jeeday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wararku waxaa ay sheegayan in Markabku uu ku cilladoobay xeebta magaalada Bareeda, waxaana sida la sheegay markab sitay calanka dalka Panama, Wakaaladda Reuters ayaa qortay in markabkaasi uu gacanta u galay koox Burcad-badeed ah.
Warkasoo baxay Saraakiisha Booliiska ee deegaanka ayaa sheegey in markii ay arkeen markabka ay cid u direen, balse raggii loo diray ay hub kala dageen, haatanna ay ku raadjoogaan hubkaasi iyo raggii la degay.
warar soo baxay aya xaqiijinaya in markabkaas oo calanka Panama uu ka babanayay ay afduubteen Burcad badeed, saraakiisha waa ay beeniyeen in markabkaas la afuubtay, waxaana ay sheegeen oo kaliya in rag loo diray ay hub kala degeen Markabka, balse warar lagu kasoonaan karo ayaa sheegay in markabkaasi uu gacanta ugu Jiro Burcad-badeed.
Tan iyo wixii ka danbeeyay sandkii 2008-dii waxaa soo badanayay afduubyada ka dhaca xeebaha Soomaaliya, waxaa tan iyo xiligaas soo shaac baxay kooxo qowlaysato ah oo madax-furasho ka qaata dadka ay gacanta ku dhigaan, waxana xusid mudan in la sameeyay ciidamo heer caalami ah kuwaas oo ka howl gala biyaha Soomaaliya, howlgalka Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee Xeebaha Somalia ayaa fadhigiisa ugu weyni waxaa uu yahay dalka Baxrayn.