Japan oo sheegtay inay IGAD kala shaqeynayaan La-dagaalanka Argagixisadda iyo Ammaanka Somalia.

Dowladda Japan waxay shalay markii ugu horreysay Urur-gobaleedka IGAD gaarsiiyeen Taageero  Lacageed oo Toos ah oo dhan 775,000 oo Dollarka Maraykanka ah.

Madaxda IGAD iyo Mashruuca Japan ee La-dagaalanka Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda Somalia ayaa waxay shalay Heshiiskaasi ku kala saxiixdeen Xafiiska Urur-gobaleedka IGAD ku leeyihiin caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Safiirka Japan u fadhiya dalka Ethiopia, Ambassador Kazuhiro Suzuuki oo ka hadlay Munaasabadad lagu saxiixayey Heshiiska, ayaa sheegay inay Dowladda Jpaan go’aansatay inay Urur-gobaleedka IGAD si toos ah u soo gaarsiiyaan Dhaqaalaha loo isticmaalayo in lagu taageero La-dagaalanka Xagjirnimadda iyo Argagixisadda saldhigga ku leh Somalia iyo Soo-celinta Nabadda iyo Dowlad xoog leh oo ka hanaqaada Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyska The Ethiopian Herald ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba waxa kale uu qoray  inuu Ambassador Kazuhiro Suzuuki tilmaamay inay Japan iyo IGAD iska kaashan doonaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda iyo in la taageero Mujtamaca Somalia, Dhallinyadda iyo Hay’addaha Ammaanka si ay ugu guuleystaan Quluubta Dadka, gaar ahaan Dhallinyaradda Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor