Turkiga oo ku goodiyey inay Maraykanka ka aar-goosan doonaan haddii ay joojiyaan hubkii ay ka iibin jireen

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, MEFLUT KAFUSOGLU ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu MAANTA siiyey Telefishinka CNN TURKI, wuxuuna xusay inay tallaabo qaadi doonaan, haddii ay Maraykanka joojiyaan Hubka ay Turkiga ka iibiyaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay Mudanayaasha Aqalka Wakiilladda ee Kongareeska Maraykanka soo jeediyeen in si KMG ah loo joojiyo hubka laga iibinayo Turkiga oo ay ku jiraan Diyaaradaha F 35.

Waxa uu intaasi ku daray inay Soo-jeedintaasi tahay, qalad iyo doqoninimo, kana turjumaynin  Xuquuqda Isbahaysiga u dhexeeya daalalka ku jira Isbahaysiga NATO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media