Mareykanka oo ka walaacsan tallaabo uu qaadayo Turkiga

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga walaacsan tahay warbixino sheegaya in Turkey ay waddo dadaallo hor leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada Russia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Morgan Ortagus ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegtay in Washington ay sii waddo inay “si joogto ah” u diidan tahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400.

“Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga walaacsannahay warbixino sheegaya inay Ankara waddo dadaallo ay hubkaas uga dhigeyso kuwa howl-gala,”ayey tiri Ortagus.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan sida ugu sarreysa u muujinno in howl-galinta habka difaaca gantaallada ee S-400 ay horseedi doonto cunaqabateyn ka dhan ah Turkey, ayada oo la eegayo xeerka CAATSA, islamarkaana ay caqabad ku noqon doonto xiriirka labada dal iyo kan NATO.”

Ortagus ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in madaxweyne Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkey ay fahmi doonaan mowqifka Mareykanka.

Turkey ayaa marar badan horey ugu cel-celisay inaysan joojin doonin iibsashada iyo adeegsiga habka difaaca gantaallaha ee S-400, islamarkaana ay u madax-banaan tahay go’aan ka gaarista arrimaheeda gudaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media