Saraakiil ka tirsan Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ugu qaabilsan Hawlgalka Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen in Hadafka Maraykanka ee Somalia tahay siii loo wiiqi lahaa Awoodda Milliteri ee Alshabaab, si loo gaaro Xal ama Go’aan Siyaasadeed.
Taliye-ku-xigeenka AFRICOM ee djinaca Rayidka, Ambassador Aleskandar M. Laskaris oo shlaay Suxufiyiinta kula hadlay Xarumaha Dhexe ee Taliska AFRICOM ee magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka waxa uu sheegay in nooca Hawlaha Mukhaawamada ama Iska-caabinta ka socota Somalia lagu dhamayn karo Cadaadis Milliteri iyo Is-faham Siyaasadeed, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxba igama khuseeya sida loo samaynayo” ayuu yiri AmbassadorAleskandar M. Laskaris.
Waxa uu intaasi ku daray in kooxaha Soomaalida ee dagaalamaya gaaraan Xal Siyaasadeed, loona baahan yahay in lagu saleeyo Dhaqanka Soomaalida.
Sidoo kale, Agaasimaha Sirdoonka ee AFRICOM, Admiral Heydi Berg oo ka hadashay Shirka Jaraa’id waxay sheegtay inay Alshabaab weli leeyihiin awoodo ay ku weeraraan Danaha Reer Galbeedka iyo Saaxiibadooda ku leeyihiin gudaha Somalia iyo dalalka Bariga Afrika.
Waxay kaloo ka digtay inay Alshabaab ka faa’ideysan doonaan marnaansha dhina Ammaanka marka ay Ciiddanka AMISOM ka wada baxaan gudaha Somalia, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale, Sarkaal 3-aad oo ka tirsan Taliska AFRICOM oo lagu magacaaboRamón Colón-López waxa uu tilmaamay in mid ka mid ah Waajibaadkiisa tahay sidii uu Ciiddanka DFS uga taageeri lahaa in mushaarka la siiyo iyo in si sax ah loo quusiyo, si aysan u aadin inay u dagaalamaan dhinaca qaldan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in Jilayaasha Dowladda looga baahan yahay inay ka go’an tahay inay sii ahaadaan Garsoore dhexdhexaad ah.
Ramón Colón-López waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Muwaadiniinta u aadaan Alshabaab arrimo asaas u ah Garsoorka.
Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM oo la asaasay bishii October ee sannadkii 2007-dii waxay Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM ka taageeraan Duqeymaha lala beegsado goobaha ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab iyo kuwa Daacishta Somalia.