War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu joojiyay gebi ahaan wadashaqeyntii Galmudug ay la laheyd dowladda Federaalka Soomaaliya.
Galmudug ayaa Madaxda dowladda Federaalka waxaa ay ku eedeeysay inay faragelin ku hayaan arrimaha maamulkood,isla markaana la isku dayay burburinta Galmudug.
Sidoo kale Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa lagu shaaciyay in hada kadib wixii qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni ee ka dhacay deegaanada Galmudug ay Ma’uuliyadooda ay qaadayan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay dowlad Goboleedka Galmudug.