QM oo Ergay Cusub u soo Magacowday Soomaaliya 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa Soomaaliya u soo magacaabay wakiil cusub oo bedelaya danjire Nicholas Haysom,kaasi oo dalka laga Eryay.

James Swan ayaa loo soo magacaabay in uu noqdo Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo ahaa Ergaygii Qaramada u joogay Soomaliya ayaa dowladda dalka ka eryiday, kaddib markii uu su’aallo ka keenay dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya intii lagu jiray doorashadii maamulka Koonfur galbeed.

Sidoo kale Mr James Swan ayaa mar soo noqday Safiirka Mareykanka u fadhiyay dalalka Jabuuti iyo DRC, sidoo kale waxaa uu soo noqday Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan  Afrika,isla markaana waxaa uu jiraa 56 sanno.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media