Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay Golaha Ammaanka ee QM ka codsadeen in Wasiirka Difaaca ee Koonfurta Suudaan, Kuol Manyang Juk iyo 6 xubnood oo kale lagu daro Liiska Madow ee QM.
Qaraar qabyo ah oo ay Wakaalladda Wararka ee AFP aragtay ayaa lagu sheegay inay Siyaasiyiintaasi hurinayaan Dagaalka ka socda dalkaasi, isla markaana ay xayiraan Gargaarka Samafalka.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay maalinta Talaaadada ka arrinsadaan Qaraarkaasi, iyadoo laga yaabo in 6-daasi qof laga xayiro Safarka Caalamka iyo Hantida u taalla Bangiyadda.