Maayarka magaalladda Ankara, Meliix Gokjek ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi oo uu hayey muddo 23-sannadood, isagoo  ka mid ahaa 3 Duq magaallo oo uu Madaxweyne Erdogan ku amray inay ka degaan Xilalkii ay hayaan.
Duqa magaalladda Ankara, waxa uu Bartiisa Twiyyerka ku sheegay Inuu iska casilayo Golaha Dowladda Hoose ee magaalladda weyn ee Ankara.
Sidoo kale, Maayarka magaalladda Bursa ee W/galbeed ee Turkiga, Rajab Aleepe ayaa isagana ku dhawaaqay inuu xilka ka degay, balse, Edip Ugur oo ah Duqa magaalladda Balikesir ayaan weli ku dhawaaqin inuu iska casilay Xilkaasi.
Madaxweynaha  Turkiga waxa uu bishan 19-dii sheegay inuu doonaya inuu Isbedel ku sameeyo Xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarinta (AK Party) ee haya Talada dalkaasi, si ay ugu diyaar garoobaan Doorashadda dhici doonta 2-sanno kadib.