Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abdul-kheyd waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii ay Alshabaab jimcihii ku qaadeen Hotelka Madiina (Ex-Cascaseey) ee magaalladda Kismaayo.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inay Taageero buuxda la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku taageeri doonaan dhamaan Tallaabooyinka lagu xoojinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Guud ee Somalia.
Dhinaca kale, Dowladda Masar waxay iyadana sheegtay inay cambaaraynayaan Weerarkaasi, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi.
“Masar waxay sii wadi doontaa inay DFS ka taageeraan Dib-u-dhiska Hay’addaha dowladda iyo in la xaqiijiyo Ammaanka iyo Deganaanshaha gudaha Somalia.
Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka ku yaalla Kismaayo waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 26 qof, halka 56 kalena ku dhaawacmeen.