Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka, Peter Kook ayaa sheegay in weerarkaasi la qaado, kadib, markii ay Dowladda Libya ee ay QM taageerto codsadeen in laga taageero sidii loo riixi lahaa Maleeshiyadda Daacish ee ku xooggan magaalladda Sirte.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in duqeyntaasi lagu burburiyey Taangi iyo 2 Tekniko oo ay Kooxda Daacish lahaayeen.
Ra’isul-wasaaraha Libya, Faayiz Seraj ayaa sheegay in ay Daacish khasaaro xooggan loogu guuleystay duqeynta lagu qaaday magaalladda Sirte.
Duqeyntaasi ayaa ah tii 3aad ee lagu qaado Daacishta ku sugan Libya, iyadoo weerarkii ugu horreeyey bishii Feberaayo ee sannadkan lagu qaaday Xero Tababar oo ku taalla magaalladda Sabratha ee Galbeedka Libya.
©Radio Dalsan
.