Ilo wareedyo ku dhowdhow Musharaxa ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in la cayriyey La-Taliye Sare Ed Brookover, inkastoo aan la shaacinin sababaha loo cayriyey.
Qoraal ka soo baxay Dadka u ololeeya Musharaxa ayaa xaqiijiyey arrintaasi, waxayna u mahad celiyeen La-taliyaha shaqada laga cayriyey.
Dhinaca kale, Ed Brookover waa ka gaabsaday inuu arrinkaasi ka hadlo, wuxuuna Donald Trump u ahaan jirey Xiriiriyaha Ololaha Doorashaddiisa iyo Guddiga Xisbiga Jamhuuriga.
Wuxuuna horey ula soo shaqeeyey Musharaxa kale ee Ben Carson, kaasi oo ku fashilmay inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.
©Radio Dalsan