Axmed Geelle Ducaale (Xaaf) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuleestay markii ugu horeysay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Galmudug ay ka mid noqdaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xaaf,oo ka qeybgalay Munaasabad tababar loogu soo xiray in ka badan Boqol Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa sheegay in dadaal dheer kadib uu ku guuleestay in uu soo dhiciyo lambaradii ay ku lahaayeen ciidamada Booliiska Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay diyaarisay Saldhigii ay ka howlgalli lahaayeen Ciidamadaan,waxa uuna sheegay in dagaaladii ka dhacay Galmudug lagu waayay in ka badan Boqol Askari taasina aysan Suurtagal aheyn.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ciidamadaan ayaa dhawaan heli doonan Xaquuqda ka maqan si ay u noqdaan kuwa guta waajibaadkooda qaran ee loo igmaday.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.