Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris oo ah haweeneey uu musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden u soo xushay in ay noqoto ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada, ayaa xalay yeeshay dooddi ugu horreysay.
Mr Pence waxaa uu sheegay in qorshaha musharax Joe Biden ee safmarka coronavirus uu yahay mid uu ka soo minguuriyay siyaasadda aqalka cad ee hadda.
Musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden waxaa uu ka horeeya saadaasha codadka madaxweyne Trump xilli maalinta doorashada ay ka harsan tahay 27 cisho oo keli ah.
Doodii xalay ayaa aheyd mid dhex martay labo qof oo siyaasiyiin rayid ah laakiin doodii todobaadkii hore ee Trump iyo Biden ayaa isku bedeshay cay iyo in magacyo la isugu yeero.
Si kastaba, labada musharax ayaa is dhaafsaday dood kulul oo la dhihi karo waxba la isuma reeban.
Doodii sagaashanka daqiiqo aheyd ee xalay ayaa la dhacday hoolka jaamacadda Utah ee magaalaa Salt lake, iyadoo Kala Haris ku eedeysay madaxweyne ku xigeen Mike Pence in madaxweyne Trump uu si ula kac ah u marin habaabiyay dadweynaha Mareykanka inta socday cudurka coronavirus.
“Waxay ogaayeen, in ay khiyaameynayaan,” ayay tiri, waxay intaas ku dartay in u jeedka ay ka leeyihiin ay tahay in dib loo soo doorto.
Senator Kala Haris oo 55 sano jir ah iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo 61 sano jir ah, ayaa intii dooda socotay waxaa u dhexeeyay dayr almuuniyam ah taas oo muujinaysa khatarta cudurka.