Diyaarad ay lahaayeen Milliteriga Mareykanka oo burburtay

Diyaarad nooceedu ahaa Harrier Fighter ayaa shalay ku burburtay Gobalka North Carolina, waana Diyaaradii 4-aad ee ay Ciiddanka dalkaasi leeyihiin ee bishan gudaheeda burburtay.

Duuliyihii Diyaaradda oo Baarshuut kaga booday Diyaaradda, waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Maalmo ka hor, Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa F16 ayaa ku burburtay Koonfurta Gobalka Kaliforniya, iyadoo Duuliyihii ka badbaaday, inkastoo ay ku dhaawacmeen 11 qof oo dhulka joogay.

Tan iyo bilowgii bishan May waxaa la sheegay inay Milliteriga Maraykanka ka burbureen 4 Diyaaradaha Dagaalka ee tababarka lagu qaato, kuwaasi oo noocyadooda kala ahaayeen T 45 iyo T 6.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media