Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya shariif Xasan Sheekh Aadan uu Isku-Shaandheyn ku saameyo Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas.
Mudo ka badan laba Maalmood ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan kulamo wadatashi ah la’lahaa Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool deegaanada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya si Golaha Wasiirada ay u noqdaan kuwo leysku raacsan yahay.
Isqabqabsiga ugu badan ayaa ka taagnaa tirada ay noqonayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,iyada oo Warar soo baxayay ay sheegayeen in tiradii hore laga yareyn doono balse taasi ay diideen Waxgaradka Beelaha,waxana la sheegaya in ay noqon doonaan in ka badan 60 Xubnood.
Masuuliyiin farabadan iyo Siyaasiyiin xildoon ah ayaa ku sugan Baydhabo kuwaas oo doonaya in ay ka soo dhex muuqdan Xukuumadda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u dhaliilay qaabka ay u Shaqeeyaan Golaha Wasiirada koonfur Galbeed taas oo keentay in ay u gudbiyaan Madaxweyne Shariif Xasn Sheekh Aadan si uu Isku-Shaandheyn ugu sameeyo.