Dhageyso:-Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Degmooyin ka tirsan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne Lr. 04/042019 uu xaalad deg-deg ah ku soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Waxaanu u dhignaa xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019

Xaalad Deg-deg ah

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: Dhibaatada Colaadeed ee Ka Jirta Degmooyin ka Mid ah Gobolka Sanaag oo halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka

Markaan la Sameeyey La-tashi Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Guddida Guud ee Nabad-gelyada.

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad. Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency)

1-In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Qodobka 2aad. Tallaabooyinka Sugidda Amniga

1-In Ciidammada Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.

Qodobka 3aad. Maamulka iyo Go’aammada Muddada Xaaladda Deg-dega ah

1-In Ciidanka Qaranka Somaliland la wareego dhammaan maamulka iyo go’aammada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo khataraha nabad-gelyo darro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media