Wararka aan ka helayno deegaanka Garsle oo ka tirsan Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi lagu dilay dad shacab ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaraya ayaa tibaaxaya in Malleyshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari Rakaab ah oo ay la socdeen dad ganacsato u badan,kaasi oo la sheegay inuu ka ambaxay Degmada Balanballe ee Gobolka galgaduud.
Gaariga ayaa waxaa jidka u galay sida la sheegay malleyshiyaad hubeysan, Xilli uu kusoo jeeday Dowlad degaanka, waxaana soo baxaya faah faahinno dheraadn ah oo laga helayo,weerarkaasi lagu qaaday dadkaasi rakaabka ahaa.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, sida ay kusoo warramayaan dadka degaanka.
Weerarkaasi lagu qaaday dadkasi shacabka ahaa ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana maal mihii ugu dambeeyay degaanada Gobolkaasi ay dagaallo Culus ku dhexmarayeen malleyshiyaad hubeysan oo ka kala tirsan beelaha dagaalamaya.