12 Murashax Madaxweyne oo maanta la doonayey inay Dood-wadaag ku dhex marto Madasha Golaha Shacbiga ayaa baaqday, kadib, markii la isku fahmi waayey qaabka loo tebin lahaa Doodooda.
Murashixiinta waxay codsadeen in Doodda si toos ah looga baahiyo Telefishinadda iyo Idaacadaha, balse, Guddiga Doorashadda ayaa ka biyo diiday inay Suuxfiyiinta Warbaahinadda Madaxa-bannaan soo galaan Madasha si ay u baahiyaan Doodaha Murashixiinta.
Ilo-wadareedyo ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inay Murashixiinta joojiyeen Doodda, kadib, markii lagu soo wargeliyey inaan si Toos ah looga daawanaynin Telefishinadda, sida uu qorshuhu ahaa.
Murashixiinta oo Aragti ahaan mideysan ayaa isla qaatay go’aan ay kaga baxeen Madasha Doodda, waxayna sheegeen inaysan oggolaan karin in Doodahooda la duubno, kadibna Telefishinka Qaranka ee SNTV laga baahiyo.
Murashixiinta waxay si wadajir ah kaga baxeen Madasha, waxayna qaadaceen Dood-wadaagii lagu madalsanaa.
12-ka Murashax Madaxweyne ee maanta ka wada baxay Madasha Golaha Shacbiga waxay ka mid ah : Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”, Zakariye Xaaji Cabdi, C/naasir Maxamed Cabdulle, Bashiir Raage Shiiraar, Saciid Ciise Maxamuud iyo Saciid C/llaahi Dani,
©Radio Dalsan