Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeleedyo ay ka dhacayeen Deegaanka Dudumagaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo barakaca dad badan.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xubno Guddi ah u diray deegaanada ay ka dhacaan dagaalada si ay xal uga gaaraan dagaalkaas.
Guddiga loo diray deegaanadaas ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) waxana ka mid ah xubno ka tirsan labada gole saraakiisha Ciidamada Hirshabelle iyo Waxgarad kale.