Iyada oo dagaal beeleedyo ay ka socdaan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo beel ka mid ah kuwa dagaalamaya ay kasoo jeedo.
Xildhibaan Cismaan Cabdullaahii dhowre oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in dagaaladaas ay ka walaacsan yihiin,isla markaana ay bilaabayaan waan waan ku aadan sidii loo joojin lahaa.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid soo lab laabtay,sidoo kalen dadka wada dagaalamaya ay yihiin dad ehel ah una baahan in si deg deg ah loo joojiyo.
Wareysi uu siiyay Xildhibaanka Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayuu sheegay in la filayo Odayaasha labada beelood ay tagaan goobaha ay dagaalada ka socdan,isla markaana la bilaabo sidii Nabad loo kala dhex-dhigi lahaa.
Deegaanka Dudumagaduud oo uu dagaalka ka socdo ayaa lagu soo waramayaa in dadka badi ay ka baraceen,waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan.