Hirshabeelle oo la sheegay inay hakisay magacaabida Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu hakiyay magacaabida xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ilo ku dhow Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa sheegaya in sababta Guddoomiyaha u hakiyay magacaabida Guddiga ay la xiriirto Baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Lama oga xiliga Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle uu soo magacaabi doono xubnaha Guddiga ee qabanaya doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maamulada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaan weli soo magacaabin xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare, halka Maamulka Koonfur Galbeed uu shalay magacaabay Guddiga oo ka kooban 11-xubnood.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee magacaabay xubnaha Guddiga doorashada, waxaana xusid mudan in berri Kismaayo lagu qabanayo doorashada Aqalka Sare, kadib markii Maanta la diiwaan-geliyay Musharaxiinta tartameysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor