Madaxweynihii hore ee Somalia, Md. Cali Mahadi Maxamed iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan magaalladda Jowhar, si ay gacan uga geystaan xalinta Khilaafaad ka taagan Dhismaha Maamulka HirShabelle.
Wafdfiga Cali Mahdi Maxamed waxaa ka mid ah Xildhibaan Hore Xaaji Muuse Yalaxow, Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuur-yare iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno kale.
Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay xal farsamo ugu heli lahaayeen Tebashooyinka ka jira Ergooyinka Beelaha saluugsan qaabka loo dhisayo Maamulkaasi.
©Radio Dalsan