Madaxweynaha Maamulka HirShabelle iyo Ku-xigeenadiisa oo la filayo in maanta la soo doorto.

Guddiga Qabanqaabadda ee Doorashadda Maamul-gobaleedka HirShabelle ayaa shaaciyey in maanta la qaban doono Tartanka Musharixiinta u taagan Xilka Mdaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.

Xilka Madaxweynaha Maamulka HirShabelle waxaa ku loolami doona 3 Musharax oo kala ah: Maxamed Cabdi Waare, Cali C/llaahi Cosoble Siyaad iyo Cali Maxamed Carraale.

musharax-madaxweyne-hirshabelle2 musharax-madaxweyne-hirshabelle1 musharax-madaxweyne-hirshabelleSidoo kale, Xilka Madaxweyne-ku-xigeenka HirSHabelle waxaa ku baratami doona 2 Musharax oo lagu kala magacaabo Cali C/llaahi Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow.

Cod-bixinta ayaa la filayaa inay bilaabanto Duhurnimadda Maanta, sida ay Radio Dalsan u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Xildhibaanadda HirShabelle.

Xaalladda Guud ee Ammaanka magaalladda Jowhar, gaar ahaan Hoolka Cod-bixinta ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ay Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Ammaanka Jowhar.

Maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay, Ciiddamo hubeysan oo ku hayb ah mid ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyne-ku-xigeenka HirShabelle ayaa muddo kooban xoog ku qabsaday Xarunta Shirarka ee Jowhar, inkastoo markii dambe si nabad ah lagu xaliyey, kadib, markii wada-xaajood lagu qanciyey Musharax Cali Xasan Taakow.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor