Madaxweynayaasha Raashiya iyo Maraykanka ayaa la filayaa inay berrito kulan Xasaasi ah ku yeeshaan magaalladda Jineefa ee dalka Switzerland.
Afhayeenka Aqalka Keremiliinka ee looga taliyo Raashiya, Dimitri Peskov waxaa uu sheegay in Madaxweyne Valadamir Putin iyo Joe Biden ay yeelan doonaan kulan labo qeyb oo socon doono 4 ilaa 5 saacadood oo xiriir ah.
Madaxweyne Putin iyo Biden ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, xaalladaha Caalamka, Heshiiska Nukliyeerka, Istaraatiiyada Deganaanshaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa La-dagaalanka COVID 19.
Kulankaasi waxa uu noqon doonaa Shirweynihii u horeeyey ee ay Madaxweynayaasha Raashiya iyo Maraykanka yeeshaan tan iyo markii uu Madaxweyne Putin uu Donald Trump kula kulmay Caasimadda dalka Finland ee Helsinki bishii July ee sanadkii 2018-kii.