Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Xerada tababarka Ciidanka Jeneraal Dhaga-badan.
Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu si kulul ugu Cambaareeyay qaraxa lala beegsaday dhalinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, isagoona falkaas ka dhacay ku tilmaamay wax laga argagaxo.
Wuxuu Shariifka tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo shacbiga Soomaaliyeed oo ay baxeen dhalinyaradii la qarxiyey, xili ay saf dheer ugu jireen diiwaan-gelin ka socotay Xerada Ciidamada, halka kuwa dhaawacmay uu Alle uga rajeeyay inuu Caafimaad Deg-deg siiyo.
“Waa fal argagax leh oo aan si adag u cambaareyneyno, waana mas’uuliyad na wada saaran in loo midoobo sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha duullaanka ku ah dowladnimadeenna” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
In ka badan 20 dhalinyaro ah ayaa ku naf-waayay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Xerada Ciidanka ee Jeneraal Dhaga-badan, halka 45 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.